NOOLAYS waa buug inagu baraarujinaya in ay adduunyadu tahay halka aakhiro looga shaqaysto oo lagu qabto gacanta, aakhirona lagu qabto qalbiga. Waxa sidoo kale buuggu ina barayaa ama ina xasuusinayaa in aadamuhu guud ahaan u siman yahay cilmiga, tiknoolajiga, horumarka iyo gacan ku haynta awoodda dunida. Waxa buuggu inna xasuusinayaa in muslinka xoogga lihi ka wanaagsan yahay muslinka awoodda daran iyo in gacanta sare ka wanaagsan tahay gacanta hoose.