Ummad waxa laga eega in ay hormar samaysay iyo in kale sida ay dhalinyarteedu u tayaysan yihiin. Qof kasta oo waayeel ah oo nolosha hormar ka sameeyay dhalaanimo ayuu nolosha ka soo bilaabay, wuu soo gurguurtay, wuu soo istaag-dhacay...guri kasta oo qurux bandanna waxa laga soo bilaabay sees. Haddii uu qallooc galo seeska hoose ee guriga, waxa aan shaki ku jirin in gurigaasi aanu sii dhisnaanaynin, intay doonto ha qaadatee, waxa sidaas ka dhigan qofku marka uu dhalaan yahay, waayo soomaalidu waxa ay ku maah-maahdaa: "geed yaraan ku qalloocday weynaan kuma tooso", sidaasi darteed, haddii uu ilmaha seesku ka xumaado waxa adkaanaysa in dib laga toosiyo. Haddaba haddii ay sidaas oo dhan ay muhiim u tahay in ilmaha la toosiyaa, miyayna inala habboonayn in aynu ka ilaalinno wax kasta oo wax u dhimaya maskaxdiisa iyo jidhkiisaba.