We Will Be Back Soon!

Casrigii dahabiga ahaa ee Islam

Casrigii dahabiga ahaa ee Islam

Author :Muna Sh.Axmed

Category :Somali

Desc :Casrigii Dahabiga ahaa ee Islamka

$ 10.00

Instock

Details

CASRIGII DAHABIGA AHAA EE ISLAAMKA Casrigii dahabiga ahaa ee Islaamku waa wakhti ay muslimiinta dunida ku soo kordhiyeen cilmigii ugu badnaa ee ay soo ikhtiraacaan.Waxyaabaha muslimiinta ku dhiirigaliyay aqoonta waxay ahayd iyagoo qur'aanka iyo axaadiista Suubanaha ka dhex raadinaya aayado iyo riwaayado qofka muslinka ahi ku baraarujinaya aqoonta iyo inuu baadhitaanno badan uu sameeyo. Si taas looga midha dhaliyo xilligii khaliifkii Haaruun Rashiid dawladdii Cabbaasiyiinta ahayd wuxuu ka dhisay Aqalkii Murtida/House of Wisdom si dunida aqoontii taalay oo dhan Af-carbeed loogu beddelo (turjumo) loo gana faa'iidaysto.Xilligaa waxaa Af-carbeed loo rogay wixii falaasifo dunida taalay ee Giriigii hore wax ka qoreen oo dhan. Marka laga hadlayo casrigii dahabiga ahaa ee ummadda Islaamku lahayd waxaa qasaba inaynu sheegno waxyaabo badan oo xilligaas ay hoggaanka uhayeen ummadda muslimiintu sida:- Waxsoosaarka, Arrimaha Bulshada i.w.m. Marka aynu kahadlayno casrigii dahabiga ee dhallinta Islaamka: • Waxay ahaayeen jiil dhanwalba kadhisan • Waxay ujihaatameen diinta Alle si ay jiho walba u gaadho • Hoggaaminta maamulku dhan walba wuxuu ahaa jiil iyagoo 14sanno jir ah lagu aaminay qorida waxyiga • Jiil isagoo dhawr iyo toban jira ah kusii faafiyay magaalada Madiina dacwada gaadhsiiyay, markuu Nabigu (scw) yimidayna siwayn loogu soo dhaweeyay.

Summary

Casrigii Dahabiga ahaa ee Islamka

You May Also Like

We will relaunch our website in