Qof kasta oo aad taqaanidba waxa ku lifaaqan qof aadan aqoonin! Sheeko kasta oo aad maqashidba waxa ka danbaysa sheeko aadan maqlin! Dhacdo kasta oo aad arkaysana waxa gudub socota dhacdo aadan arkayn! Buuggani waxa uu arrimaha iyo dhacdooyinka ku ee- gayaa il yara geddisan. Waxa uu isku deyayaa in uu ku tuso qofka aadan arkayn ee ku lifaaqan qofka aad arkayso! In uu ku baro sheekada dahsoon ee ku lifaaqan sheekada aad ka war hayso! Iyo in uu ku tusiyo dhacdada ka danbaysa ee sababtay dhacdada kuu muuqata!