We Will Be Back Soon!

Indheergaradka Ilbaxnimada carb

Indheergaradka Ilbaxnimada carb

Author :Turjumiddii: Suhayb C.Maxamuud

Category :Somali

Desc :Indheergaradka Ilbaxnimadi carbeed

$ 10.00

Instock

Details

Buuggan koobani wuxu dersayaa taariikhda iyo waayaha indheergaradka ilbaxnimadii Islaamka. Dr. Maxamad Caabid al-Jaabiri wuxu isku dayayaa inuu fahanbixinta Af-faransiiska ah ee "intellectuelle" ku degaameeyo taariikhda Islaamka, casharro cusubna wuu inaga barayaa baalal ka mid ah taariikhdaa Indheergaradka soyaalka Islaamka, isagoo fasiraad maangal ah ku samaynaya dhacdooyin muranno badan dhaliyay, siyaalo kala duwanna looga hadlo illaa maanta. Laakiin, sidee baynu fahanbixin cusub ugu adeegsan karnaa taariikhda carbeed oo sida ta soomaaliguba tahay, aan lahayn fahanbixin sugan oo ku saabsan waxa aynu musaqaf ama indheergarad maanta u naqaan? Qoraagu wuxu qirayaa in erayga "musaqaf" aanu tixraac ku lahayn dhaqanka carbeed. Wuxu se dedaal ku bixinayaa inuu dib u soo dhiso tixraacaa isagoo raacaya wax uu u bixyay "aslid dhaqan" oo uu ku beegsanayo degaamaynta fahanbixinta indheergaradka, manhajiyad cufanna adeegsanaya. Wuxu lamahuraana u arkaa qoraagu in dib loo qoro taariikhda islaamka (ama carbeed sida uu isagu adeegsnayo) si loo fahmi karo isku xidhanka soo-ifbaxa indheergaradka Yurub iyo taariikhdaa aqoonta iyo ilbaxnimada carbeed ee ay dunida Islaamku Yurub ku lahayd wixii qarnigii 12aad ka horreeyay... oo ku astaysan koboca magaalooyinka dhalay ilbaxnimada cusub ee Yurub.

Summary

Indheergaradka Ilbaxnimadi carbeed

You May Also Like

We will relaunch our website in