Inkasta oo mawduuca uu buuggu ka hadlayo dad badan aanay u dhuun daloolin, oo aanu ka mid ahayn mawduucyada sida aad ka ah loo lafo guro, haddana dood iyo mawduuc dihin ayuu buuggani soo bandhigayaa. Sababta aan buuggan u doortay inaan turjummo waxa ay ahayd inaan bartay qayb ka mid ah culuumta dhaqaalaha islaamka iyo daraasaynta bangiyada islaamka, oo ah aqoon aan si weyn u hana qaadin marka loo eego aqoonta kale, ee jaamacadaha lagu dhigto