Waa maxay sababta dadka qaar u guulaystaan kuwa kalena aanay u guulaysan. Waxa jira farqi weyn oo u dhexeeya labadan kooxood. Dadka guuleysta waxay leeyihiin tilmaamo iyo habdhaqan sabab u ah guusha ay gaadheen. Nasiibwanaag, tilmaamahani waa kuwo uu yeelan karo qofkasta oo raba in uu guul gaadho, mana aha kuwo cid kali ah, xili kali ah ama goob kali ah gaar ku ah. Buuggan ayaad ka helaysaa tobanka tilmaamood ee ugu mudan ee ay leeyihiin dadka guulaysta. Warka farxadda leh wuxu yahay in aad ka mid noqon karto dadka guuleysta ee dunida saameynta ku yeesha, haddii aad si fiican u dhugato oo aad u dhaqangaliso talooyinka uu buuggani ku siinayo