Buuggani waa midhahli ka soo baxay dadaal ay sameeyeen xubno ka tirsan URURKA QORAAGA SOMALILAND (UQS) 00 loogu talo galay in uu hage u noqdo qofka raba in uu buug qoro, siiba cidda aan waayo'aragnimo hore u lahayn arrinkan, si uu ugu noqdo tilmaan ka baajisay gefef qoraal iyo mid farsamoba. Fikirka buuggani waxa uu ka dhashay baahida weyn ee dad badani, silba dhallinyaradu, u qabaan in laga gacan siiyo habqoraalka toolmoon. Ogaanshiiyaha baahidaasina waxa laga dhex helay codsiyada tirada badan ee ay inta badan helaan qoreyaasha loo tuhunsan yahay waayo'aragnimo qoraal, ee kaga imanayay dhallinyarada iyo cid kasta oo uu qoriddda buug ku cusub yahay. Buuggani, in kasta oo aanu wada koobi karin baahida farsamo ee qoraagu u qabo qoridda dhigane (buug) - laga soo bilaabo helidda iyo astaynta mawduuca ama fikirka wax laga qorayo, ilaa dhammaadkiisa iyo soo saaristilsa, haddana waxa uu bix- inayaa tilmaamo guud oo tubta qoraanimo ku ridi karta qofka wax qoraya. Waxa se lagama maarmaan ah in qoraagu kan uun ku kaaftoomin e hoos ugu sii dhaadhaco, raadsadona qoraallo ama buugaag kale oo waxqoridda laga qoray