Buuggani waxa uu xog dhammaystiran ka bixinayaa guurka xaaska labaad iyo xaasaska badan ee la wada qabo. Waa buuggii ugu horreeyay ee ku qoran Af Soomaali oo ka warramaaya xogo la xidhiidha. Ma jirto cid si gaar u daraasaysay mawduucan kuna soo bandhigta Afkeena hooyo. Buugani wuxu anfacayaa ragga laba xaaslaha ah iyo kuwa damca inay guursadaan xaas labaad iyo kuwa xaasas badan leh. Dulucda buuggu waxay ka hadlaysaa sida loo wada qabo ama la iskugu wado labo xaasiyo in ka badan, gaar ahaan sida loo xallillo khilaafka iyo guud ahaan siyaasadda lagu maamulo