Buuggu se -EREYGA QORAN-gacantuu kuugu jiraa. Waad ka bogataa, ku noqno-qotaa, erey walba isku taagtaa, weedh walba ka fiirsataa, war iyo wixii kaluu xanbaarsan yahay ka dooddaa, kala dhigdhigtaa, danta laga leeyahay qummaati u kala qeexdaa, bareeradaada ka geysataa oo mawqif cad iska taagtaa. Haddaad xilligaas diyaar u ahayn na meel iska dhigtaa oo mar kale ku soo laabataa