We Will Be Back Soon!

Agab-jire

Agab-jire

Author :Rashiid Khadar Jaamac

Category :Suugaan

Desc :Somali General Reading

$ 10.00

Instock

Details

Language ‏ : ‎ Somali, Softcover ‏ : ‎ 182pages

Summary

DHAQANKU waa muraayadda laga dheehdo farshaxanka, ilbaxnimada iyo waayo'aragnimada ay bulsho gaar ahi leedahay. Waana halbeegga sar jara qotada aqooneed ee ay island ummaddaasi ku dhaadato. Dhaqanku waa midhaha ka yimaaddaa dadaal cududeed iyo karti maskaxeed isku lammaan oo ay cid gaar ahi kaga baxdo duruufo deegaan ama nololeed la soo gudboonaada ammin gaar ah. Taas ayaana keenta maskax tuujin iyo in la hal abuuro xeerar, agab, caadooyin iyo jidad cusub oo nololeed kuwaas oo hadhawna noqda xaddaarad iyo aqoon duug ah oo ab ilaa ka ab la kala hiddaysto. Agabka dhaqanku waxa uu kow ka yahay xadaaradda ay soomaalidu kaga fil roonayd tolalka kale ee Bariga Afrika la deggan, waxana uu caddayn u yahay in ayna soomaalidu ahaan jirin dad cawaan ah oo barlaawe ah hasa ahaatee ay ahaan jireen dad caqligooda uadu iyo garaadu sarreeyay island markaana ay aqoonta quraaridda, qoridda iyo unkiddaba ay ahaayeen kuwo aad ugu caano maalay. Sidoo kale agabku waxa uu kaydiyaa markaana island laga tix raacaa meel-kasoo-jeedka bulshadaasi ay ku aroorto sal ahaan iyo ahaanshaheeda isir

You May Also Like

We will relaunch our website in