Muddo 10 sano ku dhow oo aan ku hawlanaa adeegga bulshada waxa aan u soo joogay dhacdoo- yin badan oo la xidhiidha waayaha bulshadeenna. Dhacdooyin farxad, murugo, la yaab iyo ashqa-raar intaba leh, waayahaas waxa aan si joogta ah uga baranayay casharro nololeed, dhacdo kasta-ana waxa ay ii furaysay hummaagyo badan oo aanan hore u aqoon. Xulkii dhacdooyinkaas iyo casharradii ugu mudnaa ee aan ka bartay ayaan jeclaystay inaan dhiteeyo oo aan idinla wadaago