Buuggan Kansar: Ha Quusan ee uu qoray Axmed Cawil Dirir, waa mid ka turjumaya hal adayga iyo geesinimada nin dhalinyaro ah oo xanuun adagi wajahay. La Tacaalka Xanuunka Kansarka ka sokoow, Axmed intii xanuunkani hayey qoraaga, waxaa uu wakhti badan ku bixiyey in uu xanuunkan wax ka ogaado si uu dadka Soomaalida ah ula wadaago. Guud ahaan, buuggani, waa mid aad u qiimo badan anfacayana qofkasta oo akhriya. Axmed waayo aragnimadiisii xanuunka keliya ka sheekayn maayo ee waxa uu bixinayaa talooyin badan oo wax ku ool ah, weliba waxa ay aad u anfacayaan talooyinkaasi, dadka meel aan dhakhaatiir