We Will Be Back Soon!

Somaliland 2050

Somaliland 2050

Author :Cabdi Abokor Yuusuf

Category :Taariikh

Desc :Somali General Reading

$ 10.00

Instock

Details

Language ‏ : ‎ Somali, Softcover ‏ :334pages,

Summary

Dawladnimada Soomaalida oo loo tiriyo lixdankii sannadood ee ugu dambeeyey, Soomaalilaan oo ku hoos jirtay maxmiyadda Ingiriis ayaa xorriyad ugu hor heshay. Afar maalmood ka dib madaxbannaanidil waxa ay midow aan caga adag ku taagnayn la galeen Soomaalida koonfureed oo markaas uun gumaystihii Talyaaniga xorriyaddeeda ka qaadatay. Jamhuuriyadddii Soomaaliya oo ay dhisteen Waqooyi iyo Koonfur himiladu kuma aanay eekayn ee waxa la baadi goobayey si loo helo shan Soomaaliyeed oo saddex maqnaayeen; dhulka Soomaliyeed ee ku jira gacanta Fransiska (Djibouti). Deegaanka Soomaali Galbeed oo Ethiopia ku jira iyo Gobolka NFD ee Kenya, taas oo riyada ka danbaysaa ay ahayd in la helo Soomaali weyn oo isugu timaada hal dawlad iyo hal calan oo ka dhexeeya. Sagaal sannadood oo dawlad rayid ah talinaysay ka dib, waxa talada la wareegay xukumaddii askarta ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Dalku wakhtigaas wuxuu galay xaalado isbarkan oo dhinac horumar ka leh, dhanna dagaalo lagu riiqday iyo gaboodfallo aan loo meel dayin keenay, taas oo gayeyslisay in ay burburto jamhuuriyaddii Soomaaliyeed 1991kii. Burburkii Soomaaliya ka dib waxa xooggagii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee ka hawlgeli jirey dhinaca waqooyi ee SNM ay si dhammaystiran gacanta ugu dhigeen deegaannadii Soomaalilaan. Waxa shir ay isugu yimaadeen baddiba madaxdii iyo qoorweyntii qabaa'ilka dega Soomaalilaan lagu qabtay magaaladda Burco bishii May 1991 kii, kadib waxay gudoonsadeen in Soomaalilaan dib ula soo noqoto xorriyaddii ay lixdankii lumisay

You May Also Like

We will relaunch our website in