We Will Be Back Soon!

Xalka Murugada

Xalka Murugada

Author :Ismaaciil Tukaale Cige

Category :Horumarinta Nafta

Desc :Somali General Reading

$ 5.00

Outstock

Details

Language ‏ : ‎ Somali, Softcover ‏ : ‎ 118pages

Summary

Xanuunka buufiska (warwarka) tobankii qofba hal qof baa u dhinta maraykanka. Mid kamida dhakhaatiirka dalka maraykanka ugu waawayn ayaa wuxuu yidhi: (70% Boqolkiiba todobaatan kamida dadka dhaqaatiirta booqda waxaa haya xanuunka buufiska (warwarka). Hay,ada Caafimaadka aduunka ayaa soo saartay cilmi baadhis murugo leh, waxay cadaysay in tiro gaadhaysa (400,000,000) afar boqol oo malyuun oo qof oo aduunyada jooga uu hayo xanuunkan warwarku, waliba tiradani waa inta la ogyahay oo kaliya, haddii odadoka uhanudii dadoka u la qiyaaso balaayiin bay gaadhi karaan. Cilmi baadhistu waxaa kale oo ay sheegaysaa in dadka ugu badan ee naftooda dila ay ka soo jeedaan dawladaha ugu dhaqaalaha badan dunida, sida Maraykan iyo Yurub, tani waxay cadaynaysaa in xoolo badan oo la haysto aan farxad lagu helin. Sababta keenaysa in dadka uu xanuunkani hayaa isku dilaan ay tahay in xanuunka warwarku yahay mid aad u daran oo uu ka daran yahay xanuunka iliga boqolaal jeer, sidaa awgeed ayaa qofku marka uu xanuunka xamili kari waayo wuxuu door bidaa inuu is dillo. Inay murugadu xun tahay waxaa kale oo cadayn buuxda u ah in nabi maxamed Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee uu Alle ka magan galay murugada, Umadina baray inay Aroor iyo Galaba ka magan galaan. Aniga oo ka duulaya xaqiiqada aan kor ku xusan, waxaan qoray buugan la magac baxay Xalka Murugada, waxaanan ku sheegay sodon arimood oo daaweeya murugada. Waxaan cilmi baadhis ku sameeyay Arimaha keena murugada, waxaanan ku beegay daawadiisa, waxaan rajaynayaa in Dad badan Alle kaga caafiyo murugada

You May Also Like

We will relaunch our website in