Buuggani waxa uu si farshaxannimo ku jirto kuugu soo bandhigayaa sheeko jacayl oo dhex martay lammaane Soomaali ah. Buuggan waxaa kale oo aad ku arki doontaa dhaqanka suubban ee Islaamka sida lammaanayaashu ugu dhaqmayaan. Waxaad ka heli doontaa in ay bulshada ku jiraan dad xaasidiin ah oo mar walba u heellan hagardaamada iyo dhagarta, aakhirkiina iyaga ay xumaantii ay sameeyeen. ku danbayso Waxaad kale oo kala kulmi doontaa qiimaha dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaad buuggan ku miisaami doontaa abwaanadeennii hore siday hodanka ugu ahaayeen afkooda, taas oo aad ka dheehan karto midhaha maansadoodu xanbaarsan tahay ee ay dareenkooda ay ku cabbiri jireen