Buuggan waaya-arag waa mid xambaarsan qaybo ka mid aqoonta reer guuraaga soomaaliyeed u leeyihiin nolosha, dhaqanka iyo deegaanka Buuggu waxa uu ka dhashay barnaamij lagaga hadlo dhaqanka oo muddo badan laga baahinaayey radio Jabuuti(RTD). Waxa aqoontooda lagu maalay odayo soomaaliyeed oo ah kuwa aqoonta madaxa ku kaydiya ee xusuustoodu wanaagsan tahay. Inkastoo barnaamijku guyaal badan socday haddana waxaa buuggan kooban lugu soo ururiyey kuwii ugu wanaagsanaa ee la islahaa waa aqoontii loo baahnaa in la diiwaan galiyo si ay u ahaato mid kaydsan oo dhaxal u noqota ummadii lahayd. Aqoonta uu buuggani gudbinaayo haddaan qaar ka taabo wax ka mida, Kaalinta raggu kaga jiraan nolosha iyo aqoonta ay u leeyiin dhinacyadeeda kala duwan. Kaalinta haweenka soomaliyeed kaga jiraan nolosha, suugaan iyo xigmad laga reebay dumarkii hore. Dhinaca deegaanka, gaar ahaan geeduhu inta qaybood ee ay u kala baxaan, magacyadooda iyo waxtarka ballaadhan ee ay ugu fadhiyaan nolosheenna. Waxa kale oo ka mida dugaaga, ugaadha, shimbiraha iyo wixii bogga ku socda sida masaska, qaybaha ay u kala baxaan iyo magacyadooda. Sheekooyin xigmadaysan iyo murti kuu badhaaminaysa waddad toosan