Buuggan idin horyaal wuxuu soo koobayaa qodobbada xeerka Ciisaha qaarkood oo aan dhammaantiiba ka qoray Ruug- caddaaga Jaamac Muuse Miicaad. Qodobbada qaarkood markaan leehayahay, waxaan u jeedaa yaan loo qaadan in qodobbadii xeerku halkan ku dhan yihiin, waayo xeerku intan wuu ka badan yahay kana ballaadhan yahay, hadda ka horna wax laga qoray ma jirin oo sida buuggan, u faahfaahsan