Publisher : PONTE INVISIBILE , Language : Somali, Softcover : 197 pages, ISBN 9788888934617
Summary
waa nin Oromo ah oo Hargeysa deggan. Subax kasta, guryaha ayuu qashinka ka qaadaa. Guryahaas mid ka mid ah, waxa ku nool Hodan. Cali waxa uu aad u jecel yahay Hodan, balse u ma sheegi karo. Subixii uu go'aansaday in uu dareenkiisa gudbiyo, ayaa laga qabanayaa suuga dhexdiisa. Muddo yar ka dib, waxa uu saaran yahay baabuur ay ka buuxaan Itoobiyaan kale, waxana loo sii wadaa dalkiisii. Dawladdu way ka hiilisay, balse go'aankiisu ma ka hiilin doonaa?. Maryan waxa ay barbaartay xilli laga soo kabanayo dagaalkii labaad ee adduunka. Ninka cad ee dhulkeeda jooga ayay dunida ugu neceb tahay. Caawa oo ay bishu noqon doonto 26, waxa ay u soo taagnaan doon-taa marka la saarayo calankii u horreeyey ee xor ah ee dhul Soomaaliyeed laga taago. Sidaas si la mid ah, waxa caawa calankiisa ka taagi doona wadnaheeda, Xaamud. Sahra, waa gabadh ku dhalatay Galbeedka London. Guriga ay deggan tahay, waxa ku kulmay nasiibdar-rooyinka noocyadooda kala duwan. Masiibooyin ka culus lafaheeda dhawr iyo labaatanka sanno jirey, ayaa dusheeda saaran. Si ay ilays u hesho, waa in ay ka tagtaa wax kasta oo ay taqaannay. Sheekadani waxa ay ku saabsan tahay saddex qof oo ku nool xilliyo kala geddisan, waayahooduna uu kala duwan yahay. Sidaas oo ay tahay, saddexdooduba waa ay iska xigaan dadka kale, balse midkoodna ma oga