Siinleydu waxa ay ku hagaagtay milay mugdi badan oo askartii xukunka qabsatay wax kasta oo xorriyad ahba ay daa-ha u rogeen. Dadku way werwersanaayeen, su'aalaha badan ee maldahan ee la is weydiinayey waxa ay ka soo maaxanay- een werwerkaa bulshadu qabtay taasaana Siinleyda ka dhig-tay in qof kasta oo Soomaali ah oo joogay wakhtigaasi uu dareenkiisa ka dhex arko.